XIGASHO LAACIB.NET
Vinicius Jr oo weerar afka ah ku qaaday daafacyada Real Madrid kaddib guuldarradii ka dhacday Arsenal.
Vinicius Jr ayaa si caro leh u dhaleeceeyay daafacyada kooxda Real Madrid kaddib guuldarradii xanuunka lahayd ee ka soo gaartay Arsenal kulankii lugta labaad ee wareegga afar-dhamaadka Champions League, kaasoo ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu.
Weeraryahanka reer Brazil ayaa si toos ah u muujiyay niyad-jabkiisa, isagoo si cad u sheegay in daafacyada kooxda aysan u qalmin in ay matalaan Real Madrid marka loo eego heerka tartamada waa weyn. Wuxuu ku eedeeyay in aysan jirin tartan dhab ah oo ay la galaan weeraryahannada kooxaha waaweyn, taasina ay keentay guuldarrooyin waa weyn.
Vinicius ayaa sidoo kale ugu baaqay maamulka Real Madrid in ay sameeyaan isbeddel ballaaran xagaaga, si ay u keenaan daafacyo cusub oo karti u leh in ay la jaanqaadaan heerka sare ee kooxaha caalamka.
Hadallada xiddigan ayaa imanaya xilli cadaadis xooggan la saaray tababare Carlo Ancelotti, oo wararku sheegayaan inuu wajihi karo ceyrin haddii Real Madrid ku guuldareysato hanashada horyaalka La Liga iyo Copa del Rey xilli ciyaareedkan.