XIGASHO LAACIB.NET
Trent Alexander-Arnold, difaaca garabka midig ee Liverpool, ayaa la filayaa inuu si xor ah ugu biiro Real Madrid xagaagan, taasoo soo afjaraysa 20 sano oo uu la joogay kooxda Merseyside.
Warbixinno dhowaan soo baxay ayaa tilmaamaya in saaxiibtinimada u dhaxaysa Alexander-Arnold iyo Jude Bellingham, oo horey ugu biiray Real Madrid, ay door muhiim ah ka ciyaartay go’aanka difaacaan uu ku gaadhay inuu u wareego caasimadda Spain.
Intaa waxaa dheer, Alexander-Arnold ayaa la sheegay inuu walaac ka muujiyay in tababaraha cusub ee Liverpool, Arne Slot, uu u baahan doono waqti dheer si uu u dhiso koox tartan la gali karta naadiyada waaweyn, taasoo keentay inuu ka fikiro mustaqbalkiisa.
Sidoo kale, waxaa la soo wariyay in Alexander-Arnold uu ka welwelsanaa da’da Mohamed Salah, oo 32 jir ah, iyo suurtagalnimada in waxqabadkiisu hoos u dhaco, taasoo saameyn karta awoodda weerarka ee Liverpool mustaqbalka dhow.
Isku soo wada duuboo, go’aanka Alexander-Arnold uu ku gaadhay inuu ku biiro Real Madrid ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin saaxiibtinimada uu la leeyahay Bellingham, shakiga uu ka qabo mustaqbalka Liverpool ee uu hoggaanka u hayo Slot, iyo welwelka uu ka qabo da’da iyo waxqabadka Salah.
XIGASHO LAACIB.NET