=XIGASHO BBC SOMALI=

Xatooyada taleefannada

Advertisement

Subax Sabti ah bishuna tahay Abriil, Akara Etteh waxa uu isticmaalayay taleefankiisa markii uu ka soo baxay saldhigga tuubbada Holborn, ee ku yaalla bartamaha London.

Daqiiqad kadibna, waxaa gacanta ku dhigay oo dafay tuug watay baaskiil koronto ku shaqeeya, Akara wuxuu isku dayey in uu cayrsado laakiin waa uu gaari waayay.

Waa hal dhibane balse tirade dhibanayaasha kale ee la qiyaasay waa 78,000 gudaha England iyo Wales sanadka ilaa Maarso.

Heerka xeer-ilaalinta ee dambigan aad ayuu u hooseeyaa, boolisku waxay sheegeen inay beegsanayaan dembiilayaasha ka mas’uulka  ah. Waxa kale oo ay yiraahdeen soosaarayaasha iyo shirkadaha tignoolajiyada ayaa door weyn ka ciyaari kara.

Dhibanayaasha ayaa BBC-da u sheegayay saameynta uu ku yeeshay oo ay kamid tahay luminta sawiro aan dib loo heli karin iyo in la xaday tobanaan kun oo gini.

Akarana, sida dad badan oo kale oo taleefankooda laga qaatay, waxaa jirtay niyad jab kale, wuxuu awooday inuu la socdo halka uu taleefankiisu yaallay, laakiin awood uma lahayn inuu soo celiyo.

Astaanta taleefanka ee agagaarka LondonMeelaha la geeyay taleefanka

Akara waxa uu awood u yeeshay in uu la socdo taleefankiisa isagoo isticmaalaya laptopkiisa.

Tani waxay u ogolaatay Akara in uu la socdo goobta talefankiisa, isla markiiba waxa uu helay ogaysiis uu ku sheegay in uu ku yaalo Islington. Siddeed maalmood kadib, taleefanku waxa uu gaarayay meelo kala duwan oo ku xeeran waqooyiga London.

Tallaabo uu ku sheegayo in uusan “ku talin lahayn” ayuu sameeyay, waxa uu aaday laba ka mid ah goobihii uu talefankiisu ku jiray si uu “u eego”.Akra oo dhibane ah

“Waxay ahayd mid khatar ah,” ayuu yiri. “Waxaa igu sababay xanaaq.”

Cidna lama uu hadlin, balse waxa uu dareemay in la eegayo dhaq-dhaqaaqiisa oo wuu iskasoo baxay.

Kadib, bishii May, wax yar ka badan hal bil kadib dhaca, Akara wuxuu eegay halka uu yaallo taleefankiisii, waxay hadda ahayd dhinaca kale ee adduunka oo uu ku arkay in la geeyay Shenzhen, Shiinaha.

Akara wuu quustay.

Ma aha wax aan caadi ahayn in taleefannada la xado ay ku dhammaadaan Shenzhen, halkaas oo haddii aaladaha aan la furi karin oo aan haddana la isticmaali Karin dib loogu habeeyo.

Magaaladu waxay hoy u tahay 17.6 milyan oo qof, waana xarun weyn oo tignoolajiyadeed, mararka qaarkood waxaa loo yaqaan Dooxada Silicon Valley ee Shiinaha.

Booliisku waa ay caawin waayeen

Daqiiqado kadib markii la xaday taleefanka Akara, wuxuu arkay askar booliis ah oo wadada taagan wuxuuna u sheegay wixii dhacay. Saraakiishu waxay u sheegeen inay ka war hayeen tuugo aagga ku sugan oo ay howlgal wadeen, waxaana lagu dhiirigeliyay inuu dembiga ku soo sheego khadka internetka, taas oo uu sameeyay.

Dhawr maalmood kadib, booliska magaaladu waxay email ugu sheegeen in kiiska la xiray “sababo la xiriira in aan la qoonsan Karin kuwa dhaca u geystay”.

Akara ayaa intaa ka dib soo gudbiyay sawiradii iyo xogtii uu ka soo ururiyay goobihii uu gaaray talefankiisa laga xaday. Booliisku waxay qirteen in la helay laakiin ma aysan qaadin tallaabo kale.

Sawirrada Hooyo ee ka lumay

Dad badan oo kale ayaa la soo xiriiray BBC-da iyaga oo horay ula kulmay xatooyo. Waxaa kamid ah, James O’Sullivan, 44, oo ka yimid Surrey, ayaa sheegay in uu waayay in ka badan £25,000 markii tuugtu adeegsatay adeegga Apple Pay.

Dhanka kale, Katie Ashworth, oo ka timid Newcastle, ayaa sharraxday in taleefankeeda lagala baxay meel baarkin ah oo ay la socoto saacaddeeda, iyo kaarka deynta ee taleefanka.

“Arrinta ugu murugada badan ayaa ahayd in teleefanka ay iigu jireen sawirradii ugu dambeeyay ee aan hooyaday wada galnay inaga oo wada soconna inta aysan xanuunsan, wax kasta waan sameyn lahaa si aan dib ugu helo sawiradaas,” 36-jirka ayaa tiri.

Mar labaad, ayay tiri, waxaa jirtay wax-qabad la’aan ka timid booliiska.

“Boolisku xataa ilama aysan socon, in kasta oo wax kala iibsiga bangigayga uu muujinayo sida saxda ah meesha ay tuugadu aadeen,” ayay tiri.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here