=XIGASHO BBC SOMALI=
Deegaanka Ogoraale ee magaalada Wajeer ee waqooyi bari dalka Kenya waxaa ka dhacday dhacdo naxdin leh kadib markii aabe iyo wiilkiisa oo isku dayayay inay ceel ka soo saaraan neef ari ah ay ku wada dhinteen.
Allaha u naxariistee aabaha iyo wiilka oo ceelka jooga ayaa neef ari ah waxa uu ku dhacay ceelka, wiilka ayaana damcay inuu isku dayo sidii uu ku soo saari lahaa balse isagii ayay neeftu qabatay oo ay u suurtagali weysay inuu soo baxo sida uu BBC-da u sheegay Cabaas Calasoow Maxamed oo ah guddoomiyaha dowladda dhexe ku metela deegaanka Ogoraala.
Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in kadib markii aabaha uu arkay xaaladda wiilkiisa uu isku dayay sidii uu ku soo badbaadin lahaa sidaas ayuuna ceelka ku galay balse labaduba ay u suurtagali weysay inay ka soo baxaan oo sidaasna ku geeriyoodeen.
Waxaa ceelka ka soo saaray dadka deegaanka gaar ahaan kuwa dabbaasha yaqaanay ka dib markii ay gudaha u galeen ceelka inkastoo ay muddo qaadatay in la soo badbaadiyo
Waxa uu sheegay in muddo 3 saacadood ah ay ceelka ku jireen wiilka iyo aabihii oo markaas ka dib laga soo saaray iyagoo oo meyd ah ka dibna la aasay.
Dadka deegaanka ee ceelka soo arkay, meydka aabaha iyo wiilkiisana soo saaray ayaa ku tilmaamay inuu ahaa ceel dheer oo biir ah sidoo kalena biyahiisa yaryihiin, kaas oo qofkii ku dhaca durbaba uu naqaska ku dhagayo sababo la xiriira hawadiisa oo yar iyo karka biyaha ku jira oo qamiiray iskuna badalay biir.
Markii ay dhacdadaan dhacaysay wiilka iyo aabihii oo keliya ayaa ku sugnaa meesha ay wax ka dhaceen oo cidna halkaas kuma wehlin. sida uu BBC-da u sheegay guddoomiyaha
Guddoomiyaha ayaa tacsiyayay qoyka iyo ehelada ay ka baxeen wiilka iyo aabihiis una aduceeyay marxuumiinta isagoona sheegay in qaddarta aan la celin karin oo ay noloshooda halkaas ku ekeyd.
“Haddii uu Alle ugu talagalo inay badbaadaan iyagoo nool ayay soo bixi lahaayeen sababtoo ah ceelka wadaan iyo xarigeeda ayaa ku xirnaa marka xariga ayay qabsan lahaayeen oo ay soo bixi lahaayeen laakiin Ilaahay uguma talagelin oo waqtigooda ayaa dhammaaday,” ayuu yiri guddoomiye Cabaas Calasoow Maxamed.
Ogoraalle waxa ay ka tirsan tahay degmada Tarbaj ee Ismaamulka Wajeer ee gbolka waqooy Bari Kenya.
Guddoomiye Cabaas oo ay BBC-du weydiisay in ceelkaasi ama deegaanka ay horey uga dhaceen dhacdooyin noocaas oo kale ah ama ay tahay tii ugu horreysay oo halkaas ka dhacda ayaa yiri: “Horey waa ay uga dhaceen deegaanka laakiin bini’aadan kuma aysan dhiciin oo xoolo keliya ayay ahayd oo muddo hadda toddobaad laga joogoo ceel kale ayaa waxaa ku dhacday 20 neef oo ari ah.”
Waxa uu sheegay inay aaminsan yihiin biyaha ceelasha ay yihiin biyo wasakheysan oo biir ah isagoo intaas ku daray in ceelasha ay daboolan yihiin sidaas darteen haddii ay hawo waayaan ay biyaha biir noqonayaan oo ayna taasi u maleynayaan inay tahay sababta.
Waxa uu guddoomiyaha sheegay in biyaha marka ay bannaanka yimaadaan ay biirta ka baxayso balse marka ay gudaha ku jiraan ay biir yihiin.
“Dhibaatadan waxaa xal loogu heli karaa oo keliya in ceelka deegaanka ee uu matoorka saaran yahay biyihiisa dadka loo macaneeyo sababtoo hadda waa dhannaan waxaan dhammaan dadka samafaleyaasha ka codsanayaa in dadka loo macaaneeyo ceelkaas si looga in la isticmaalo biyaha wasakheysan ee goobaha kale,” ayuu yiri guddoomiye Cabaas.
=XIGASHO BBC SOMALI=