Shuute: Dadkii dhashay burburka kaddib ayaa 40 sano gaaray, ma rabno in dhasheenna sidaas oo kale nolosha ku dhaafto!

Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute oo la hadlay Ciidamo katirsan Xoogga Dalka ayaa uga digay in ay ku dhacaan dambiyo keeni kara in maxkamad loosoo taago.

Waxa uu sheegay in waajibka saaran uu yahay ilaalinta Dalka sidaas awgeed looga baahan yahay askari ilaa sarkaal in si wadajir ah la isaga kaashado dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Waddanka sida uu hadalka u dhigay.

Shuute ayaa tilmaamay in uu ciidamada uga digayo in ay ka dhaqaaqaan difaacooda isla markaana looga baahan yahay in ay fuliyaan amarka saraakiisha hoggaamineysa ee heeganka u ah howlgallada ay wadaan.

Dhibaatooyinkii dalka uu galay kaddib burburkii Dowladdii dhexe ee dalka ayuu sheegay in laga joogo muddo ku dhow 40 sano sidaas awgeed loo baahan yahay in laga shaqeeyo in jiilka maanta uu helo fursad barwaaqo ku dheehan tahay.

“Dalkaan 20 sano mooryaan iyo kii ayaa haystay, 20 sano kalena Argagixiso ayaa daba taagnayd, dadkii dhashay burburkii ayaa 40 sano gaaray, anaga sidaas ayuu waqtiga nagu dhaafay ee lama rabo in dhasheenna uu sidaas oo kale ku dhaafo” G/Sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee CQS.

Shuute ayaa kamid ah Saraakiil katirsan Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle oo Gobolka Shabeelaha Dhexe u tagay dardargelinta howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ SI Culeyska ay gobolkaas saartay looga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here