Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xabsiga laga sii daayay  Aas-aasaha website-ka WikiLeaks Julian Assange oo ku xirnaa xabsi ku yaal Dalka Britain balse shuruud ayaa lagu xirey intan la sii dayn.

Inkastoo aan wali sii deynta si cad loo shaacin hadana waxaa lagu xirey sii deyntiisa shuruudo ah inuu marka hore qirtaa danbiga loo heysto oo ah inuu doonayay raadinta iyo faafinta sirta ciidamada Dalka Mareykanka.

Advertisement

Sida ay BBC-da sheegtay Barta X, oo hore loo oran jiray Twitter, oo soo xiganaysa Wikileaks waxay sheegtay in Assange uu ka baxay xabsiga Belmarsh Isniintii ka dib kun iyo sagaal boqol iyo dheeraad maalmood oo uu ku jiray qol yar.

Sidoo kale Bara X waxaa lagu qorey inuu aaday garoonka Stansted uuna ka raacay diyaarad si uu ugu laabto dalkiisa Australia,sidoo kale xaaskiisa ayaa iyaduna barta X ku soo qortay mahadcelin ay u jeedisay dadkii gacanta ka geystay sii deynta ninkeeda.

Dacwad oogaha ayaa Maxkamada gaarsiiyay qoraal uu ku sheegayo in milkiilaha website-ka WikiLeak uu ogolaaday inuu qirto danbiyada loo heysto.

Mareegta WikiLeaks ayaa sannadki 2010-kii lagu baahiyay boqollaal kun oo dukumintiyo ku saabsan sirta ciidamada Mareykanka gaar ahaan dagaalkii Afganista iyo Ciraq kadibna  markaa Maxkamad ku taal Swdene ayaa ku soo oogtay dacwad kufsi ahayd waxaana lagu xirey dalka Britain inkastoo la sii daayay markii laga laabtay.

Milkiilaha website-ka WikiLeak xabsiga markuu ka baxay 2010-kii ayuu magan-galyo ahaan wuxuu u galay safaarada Dalka Ecuador ku leedahay London halkaasoo uu ku jirey 7 sano oo ugu danbeyn 2019-kii laga soo qabtay markii lagu soo oogay faafinta sirta ciidamada Mareykanka xabsiga ku jiray ilaa hada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Wikileaks founder Julian Assange will plead guilty in deal with US and return to Australia – Orange County Register

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here