Waxaa maalinta Berri ah magaalada Muqdisho ka furmaya shirweyne looga hadlaayo u Adkaysiga Aafooyinka Soomaaliya ku soo laab laabta, waxana uu socon donaa muddo laba maalin ah.
Shirweynahaan waxaa si wadajir ah u qabanqaabiyay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA) iyo Jaamacadda Muqdisho, waxaana shirkaan looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga iyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, ururada caalamiga ah, iyo khubarada si loo horumariyo awoodda dalka ee u adkeysiga aafooyinka.
Advertisement