Ku-simaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan braahim oo uu weheliyay Guddoomiye ku xigeenka labaad, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 12-aad Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa Akhrinta koowaad ee hindise sharciyeedka xeerka shaqada Soomaaliya iyo Soojeedinta la xiriirta arrimaha shaqada dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka iyo Aqalka Sare.

Ugu horrayn Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS Mudane Maxamed Cilmi Ibraahim, ayaa Sanatarrada Aqalka Sare u faahfaahiyay muhiimiyadda sharciga xeerka shaqada Soomaaliya, sababta keentay in dib u eegis lagu sameeyo iyo baahida loo qabo waqtigaan.

Intaas kadib Sanatarrada Aqalka Sare ayaa gudagalay dood waqti dheer qaadatay oo ku saabsanayd doorkooda matalaad ee arrimaha shaqada, dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna soo jeediyeen talooyin, dhaliilo iyo aragtiyo kala duwan oo wax ku ool ah, iyagoo tilmaamay in la raaco qodobada ay xeeriyen xeer-hoosaadka Aqalka Sare iyo Dastuurka KMG ah ee dalka, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.
Email:- Media@senate.govso
May be an image of 1 person, beard and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 14 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here