Muqdisho, Khamiis, 29 Agoosto 2024:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee magacaabista Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, kaas oo noqonaya Mudane Cabdiraxmaan Siciid Axmed.

Shirka oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu meelmariyey Heshiis ku saabsan iskaashiga Dhaqaalaha iyo horumarinta oo u dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha.

Shirka Golaha Wasiirrada, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira amniga, habka bixinta ruqsadda gaari wadista iyo dhaqan gelinta canshuurta gadista, taas oo uu dhawaan goluhu ka soo saaray qaraar lagu dhaqan gelinayo.

Dhammaad
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
May be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 10 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, beard and daisMay be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 3 people, newsroom, dais and texthttps://scontent-mba1-1.xx.fbcdn.net/v/t39.30808-6/457254679_866768242218990_8310133339401135548_n.jpg?_nc_cat=111&ccb=1-7&_nc_sid=833d8c&_nc_eui2=AeEn5l3m77AsyqESQWJIQiAPNYPWQqosw7s1g9ZCqizDuy6HuwCNeOyMZKm5OqWG57LlBtcpt5gQzk0jVgh8o0eM&_nc_ohc=5Chnbcxetr0Q7kNvgFA9zNl&_nc_ht=scontent-mba1-1.xx&oh=00_AYDBmAG_AyO99xVhE-YJJ058Zyl1OHj_FKIiFixf4YZrDw&oe=66D6048BMay be an image of 12 people and tableMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here