MUQDISIO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta Magaalada Muqdisuo ka furmaya shitkii Golaha wada-tashiga qaran ee u dhaxeeyay Dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada Dalka.

Shirkaan waxaa shir gudoomin doona Madaxwrynaha Somala Xasan Shrekh waxaana lagu wadaa in warmurtiyeed laga soo saaro madaama maaalmo ka hor shirku markuu xanar ka furmay lagu kala tagay iyadoon wax go’aana uusan ka soo bixin.

Advertisement

Sidoo kale Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Jubaland oo xanaaq uga baxay shirka maalmo ka hor ayaa saakana ku jirin madaxda shiri doonta waaba hadii uu qabsoomee madaama aan la xalin wixii uu shirka uga baxay.

Axmed Madoobe wuxuu soo jeediyay in shirka laga soo qeybgaliyo Puntland sidok kalana SSC Khaatumo taasoo sababtay inuu Kismaayo ku laabto.

Madaxweynayaaaha Galmudug iyo Koonfur-galbeed waxay shalay galab ka soo muuqdeen xafladii lagu soo dhaweynayay markajka shidaalka ka baaraya Somalia ee laga leeyahay Dalka Turkiga taasoo ka dhacday Dekada Muqdisho.

Shirka wada-tashiga qaran oo hore loo iclaamiyay in maanta la isku soo laabto balse lama xaqiijinnkaro madaama martidii Turkidu wali qaar dalka ku sugan yihiin.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here