No description available.
MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw saaka ah ka furmay Magaalada Muqdisho kulankii Baarlamaanka Golaha Shacabka Soomaaliyeed kaasoo maanta ajandihiisu yahay qaabilaada Guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Jodeph Ntakirutimana kaasoo isaga iyo wafdigiisa sidaan oo kale shalay marti ugu ahaayeen shirkii shalay ee Xildhibaanada Aqalka sare ee Dalka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya  Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulanka golaha kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika Jodeph Ntakirutimana.
Shirkaan Saaka waxaa sidoo kale xildhibaanada lagu hor dhaariyay Xildhibaan Jen.Bashiri Goobe oo shalay loo doortay xubinimada Baarlamaanka Soomaaliya isagoo buuxiyay boos banaanaa.
No description available.
Furitaanka Shirka iyo soo dhaweynta Guddoomiyaha Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika, Mudane Jodeph Ntakirutimana kadib, waxaa xiligaan oo 12-ka duhurinimo ah khudbad jeedinaya masuulkaani martida ah.
Sida uu saxaafada u sheegay Xoghayaha guud ee Golaha shacabka Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa sheegay socdaalka masuulkaani ay la xiririto sidii Somalia u soo xulan lahayd 9 xildhibaan oo ku matali doona Baarlamaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika.
Wixii ka soo kordha hadal jeedinta masuulkaani wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No description available.
No description available.
No description available.No description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here