Muqdisho Luulyo,20,2024: Kulanka mudanayaasha Golaha Shacabka ee BJFS oo ahaa kalfadhiga shanaad kulankiisa shanaad waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Guntanka ama kooramka kulanka oo ku furmay 145-Xildhibaan, waxa uu ajendihiisu ahaa akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya oo uu soo diyaariyay Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka, waxaana xildhibaanadda ay qodob qodob uga doodeen hindise sharciyeedkan.

Dhinaca kale waxaa jiray xildhibaano ka tirsan golaha oo guddoonka golaha u gudbiyay mooshin ama soo jeedin ku saabsan Hubka sharci darada ah, dagaalada sokeeye iyo dhowrista xasaanada xildhibaanada, kaasoo ay saxiixeen 18-xildhibaan, waxaana soo jeedintan Golaha ka akhriyay Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gamadiid.

Intaasi ka dib, xildhibaanadda Golaha oo cod u qaaday soo jeedintan ay qaar ka mid ah xildhibaanadda Golaha saxiixeen ayaa ogolaaday in ajendaha kulanka maanta lagu daro .

Dooda la xiriirta akhrinta labaad ee Hindise Sharciyeedka Xeerka Shaqada Soomaaliya markii ay soo gaba gabowday ka dib ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo kulanka soo xiray waxa uu sheegay in hindise sharciyeedka xeerka shaqada ee maanta xildhibaanada ka doodeen dib loogu celinayo Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha, si uu ugu soo daro dooda iyo fikradaha xildhibaanada islamarkaana uu usoo diyaariyo akhrinta sedaxaad dibna Golaha ugu soo celiyo.

Sidoo kale Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loo qeybiyay warbixinta akhrinta sedaxaad ee Hindise Sharciyeedka Ilaalinta Xuquuqda Naafada Qaranka Soomaaliyeed.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 11 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 15 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 12 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 3 people and people studyingMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here