Muqdisho Luulyo,15,2024: Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 5-aad kulankiisa sedaxaad waxaana shir guddoominayay guddoomiyaha golaha shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.
Ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa dhameystirka dooda dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn oo soo bilaabatay kulankii 2-aad ee sabtidii lasoo dhaafay qabsoomay,waxaana xildhibaanadda dood kulul oo ay ka yeesheen arrintaasi badankood sheegeen in loo baahanyahay in golaha dib loogu soo celiyo hay’adaha kuwa hada jira si uu dib u eegis ugu sameeyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa gaba gabada dooda ka dib sheegay in dooda la xiriirta dhismaha hay’adaha madaxa banaan ee aan miisaaniyadda lahayn lasoo gaba gabeeyay islamarkaana dooda iyo aragtiyada xildhibaanada ee arrintan la xiriirta guddi gaar ah loo saari doono.
Dhinaca kale habdhowraha golaha shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux ayaa fadhiga golaha ka yeeriyay liiska xildhibaanada fasax la’aanta kaga maqnaa kulanka.
Ugu dambeyn Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka hadlay arrinta la xiriirta guntanka ama kooramka kulamada guud ee golaha shacabka,waxaana uu sheegay in aan la aqbali doonin in kulamada golaha ay kooram la’aan u baaqdaan islamarkaaana lala xisaabtami doono xildhibaanada fasaxa la’aanta kulamada golaha uga maqan.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 4 people and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 6 people, dais, newsroom and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 10 people and daisMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 13 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 personMay be an image of 6 people, newsroom, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 12 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here