Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare, Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde), ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad oo ajandihiisu ahaa siiwadista doodda wax ka beddelka Xeer-hosaadka Aqalka Sare.

Doodda Sanatarrada ee wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare oo si gaar ah maanta loo dul istaagay qodobada ugu muhiimsan Xeer-hoosaadka ayay ku soo bandhigeen aragtidooda qodobada iyo faqradaha u baahan wax ka beddel iyo toosin, kuwa kalana lala akhriyo Dastuurka KMG ah ee dalka.

Advertisement

Ugu danbayn Guddoomiye Timacadde oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay doodda Sanatarrada ay maalmahihii la soo dhaafay ka yeesheen wax ka beddelka Xee-hoosaadka Aqalka Sare, wuxuuna faray xubnaha guddiga Xeer-hoosaadka in ay soo qaabeen aragdida Sanatarradu ay ka dhiibteen wax ka beddelka Xeer-hoosaadka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

guddoomiyay kalfadhiga shanaad kulankiisa 13-aad oo ajandihiisu ahaa siiwadista doodda wax ka beddelka Xeer-hosaadka Aqalka Sare.

Doodda Sanatarrada ee wax ka beddelka Xeer-hoosaadka Aqalka Sare oo si gaar ah maanta loo dul istaagay qodobada ugu muhiimsan Xeer-hoosaadka ayay ku soo bandhigeen aragtidooda qodobada iyo faqradaha u baahan wax ka beddel iyo toosin, kuwa kalana lala akhriyo Dastuurka KMG ah ee dalka.

Ugu danbayn Guddoomiye Timacadde oo kulanka soo xiray ayaa bogaadiyay doodda Sanatarrada ay maalmahihii la soo dhaafay ka yeesheen wax ka beddelka Xee-hoosaadka Aqalka Sare, wuxuuna faray xubnaha guddiga Xeer-hoosaadka in ay soo qaabeen aragdida Sanatarradu ay ka dhiibteen wax ka beddelka Xeer-hoosaadka.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadwaynaha
Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here