ANKARA (DAYNIILE.COM)-Warara laga helaayo Magaalada Ankara ee Dalka Turkey ayaa sheegaya in shirkii lagu dhex dhexaadinayay Somalia iyo Itoobiya uu marayo meel xasaasi ah xili saacado badan uu qaatay shirkaasi islamarkaana uu soo gaaray caawa 10-ka fiidnimo.

Wararka ugu danbeeaya ee Caawa laga helaayo ayaa sheegaya in la isku hayo qaabka ay Itoobiya uga laabaneyso heshiiskii ay la gashay Maamulka Somaliland ee  MOU-ga.

Sidoo kale waxaa la isku hayaa qaabka loo dhigayo baahida Itoobiya ee ay ku heleyso dekad ay badeecadaha kala soo degto taasoo awalba Dowlada Somalia ogoleyd sida Caalamku sharciyan wax ku kala qaato, tusaale sida Itoobiya hadaba Jabuuti wax uga soo degsato oo ah sifo Dowlada Somalia ogoshahay.

Advertisement
Wararku waxay intaasi ku darayaan in sidoo kale shirka la isku mari la’yahay soo jeedin ka timid dhanka Itoobiya oo ah inteysan kansalin heshiiskii Somaliland ay la geleen in fursad loo siiyo heshiis ah ay la galaan Dowlada iyadoon lagu dhex jirin islamarkaana heshiiskaasi Turkigu  damaanad ka yahay balse waxaa soo jeedintaasi diiday Dowlada Somalia.
Wafdiga Dowlada oo uu hogaaminayo Wasiirka arimaha dibada Somalia Axmed Macalin Fiqi ayaa gaashaanka u daruuray wax wada hadal toos ah inaysan la qaadaneyn Itoobiya heshiiska ay la galaan iska daaye.

Lama saadaalin karo sida Xaalku ku  soo dhamaan doono walow dhanka Dowlada Somalia uusan culeys ka jirin madaama iyaga mowqifkoodu cad yahay balse Itoobiya oo dooneysa inay Dekad hesho ay hadana marba meel u boodayaan iyagoo raba  qaab ka soo horjeeda qaanuunka caalamku heshiisyada ku wada galaan marka la eego dal Bad leh iyo dal aan lahayn.
Dhanka kale Itoobiyaanka ayaa damac uga jiraa in hadii ay ka laabtaan heshiiskii Somaliland ay la galeen inay heleen wax badal u noqda sida 2018-kii mar uu Abiy Axmed Xamar yimid uu Madaxweynihii Soomaaliya ee xiligaas Farmaajo isla garteen inay maal gashtaan 4 dekadood oo Soomaaliya ay leedahay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here