ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-Shirkii lagu dhex dhexaadinaayay Soomaaliya iyo Itoobiya tan iyo shalay ,xalay dhan ilaa maanta  ayaa lagu kala kacay iyadoon wax heshiis ah laga gaarin.
Wararka shirkaasi ka soo baxaya ayaa sheegaya in Dowlada Itoobiya diiday inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay kansashay heshiiskii sharci darada ahaa ee ay la galeen maamul Goboleed ka tirsan Qaranka Soomaaliya taasoo xad-gudub ku ah madax  banaanida dhuleed ee Somalia.
Itoobiya waxay dooneysaa inay si dad-ban ugu dhawaaqdo tusaale ahaan inay dhahaan waan xushmeyneynaa madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya taasoo aan ahayn wax cad, kaliya uun iska ah wax sarbeeban oo hadhowna sidii la doono loo fasiri karo.
Dowlada Somalia ayaa cadeysay mowqifkeeda ah inay Itoobiya la heshiin karaan dhanka siyaasada iyo wax wada qabsiga waase hadii ay si rasmi ah ugu dhawaaqaan inay ka laabteen heshiiskii sharci darada ahaa xili Itoobiyaankuna ka meer meerayaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here