Shirkadda Diyaaradaha Turkish Airlines ayaa hakisay duulimaadyadii tooska ahaa ee ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, sababo la xiriira digniinaha amni ee soo baxay.
Shirkadda Turkish Airlines ayaa rakaabkeeda ku wargelisay in aysan jirin wax duulimaad ah oo ay sameyn doonaan laga bilaabo 5-ta illaa 12-ka bishaan Maarso ee sanadka 2025-ka. Ma bixin maamulka shirkadda faah-faahin dheeri ah oo ay ku sharraxaan go’aankan.
Hakinta duulimaadyada ee Turkish Airlines ayaa lala xiriirinaya digniinaha amni ee haatan soo baxay.
Arrintan ayaa daba socota warkii kasoo baxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinteeda iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara” gudaha dalka.
Mareykanka ayaa sheegay inuu la socdo khataro ka dhan ah dhowr goobood, oo uu ku jiro garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde, taas oo soo dadajisay go’aanka ay Turkish Airlines maanta ku hakisay duulimaadyadeeda tooska ah ee Muqdisho.
Digniinta lagu daabacay bogga rasmiga ah ee safaaradda ayaa xustay in dhammaan shaqaalaha safaaradda lagu amray inay joojiyaan dhammaan dhaq-dhaqaaqyadooda.
“Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya waxay xusuusinaysaa muwaadiniinta Mareykanka in kooxaha argagixisada ay weli qorsheynayaan afduubyo, qaraxyo, iyo weerarro kale oo ka dhaca Soomaaliya,” ayaa lagu yiri digniinta safaaradda.
“Weerarradu waxay dhici karaan si lama filaan ah ama iyagoo leh digniin aad u yar, waxaana la beegsan karaa garoomada diyaaradaha, dekedaha, baraha kontaroolka, dhismooyinka dowladda, hoteellada, maqaayadaha, suuqyada waaweyn iyo goobaha ay dadku ku badan yihiin, gaar ahaan kuwa ay joogaan dadka reer Galbeedka. Sidoo kale, weerarro ayaa lagu beegsan karaa kolonyo ciidan oo ay la socdaan ciidamada dowladda, kuwa milateriga iyo saraakiisha reer Galbeedka.”