Ugu horeyn Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa akhrinta sedaxaad marsiiyay warbixinta xisaabxirka sanad maaliyadeedka 2023, waxaana Xildhibaanadda Labada Aqal la wadaagay Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux oo ah Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka .
Intaasi ka dib Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo cod u qaaday xisaabxirka sanad maaliyadeedka 2023 ayaa waxaa ogolaatay 167-Xildhibaan, sedax xildhibaan ayaa diiday wax ka aamusayna ma jirin.
Dhinaca kale Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa akhrinta labaad marsiiyay Xeerka Qoondada Miisaaniyadda ee sanadka 2025, waxaana Xoghayaha Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta iyo La-xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Cabdiqaadir Xuseen (Uurdoox) uu Goluhu la wadaagay warbixinta miisaaniyadda 2025 iyo sida ay u qeybsantahay.
Xildhibaanadda Labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka ayaa dood ka yeeshay miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2025, waxaana ay su’aalo la xiriira habka ay miisaaniyada u qeybsantahay weydiiyeen Wasiir Kuxigeenka wasaaradda Maaliyadda Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo kulanka joogay islamarkaana ka jawaabayay su’aalaha ay Xildhibaanadda weydiiyeen.