Muqdisho, 21-August-2024: Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo xubno ka mid ah Golahiisa Wasiirrada ayaa maanta Muqdisho uga qeybgalay shirka xasilinta deegaanada Hirshabeelle ee dhawaan la xorreeyay oo ay soo agaasintay Dowladda Federalka Soomaaliya.
Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Salaax Axmed Jaamac iyo Wasiirrada Xasilinta iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa qeyb ka ahaa.

Ugu horeyn waxaa shirka furay Ra’iisulwasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac waxana uu tilmaamay muhiimada uu shirkan u leeyahay Dowladda Hirshabeelle.

“Nabad iyo xasilooni ayaan kusoo arkay deegaano gacanta ugu jiray Khawaarijta muddo dhan 16-sanno ah taas oo ku timid awood. Dadka Hirshabeelle waxa ay u jeesteen horumar iyo in la dhowro bad-qabka dadka.” Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

Sidoo kale goobta waxaa lagu soo bandhiggay muuqaal iyo warbixin ka turjumeyso sida uu miro-dhal u noqday Safarka Nabada iyo Xasilinta ee Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle.

Dhammaadkii Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa uga mahadceliyay Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya taageeradooda ku aadan Dowladda Hirshabeelle.

DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Maxamed Shuuriye Nuur
May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people, table, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, beard and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 people and beardMay be an image of 3 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 5 people, beard, glasses and daisMay be an image of 6 people and daisMay be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here