HomeWarkiiShirka Wasiirada oo maanta looga hadlay dagaalada Alshabaab lagula jiro

Shirka Wasiirada oo maanta looga hadlay dagaalada Alshabaab lagula jiro

May be an image of 7 people, table and daisMuqdisho, Khamiis, 10 Abriil 2025: — Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaleysanaya qeybo kamid ah gobollada dalka.
Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka, kuwaas oo jab xooggan lagu gaarsiiyey argagixisada, isla markaana ay geesiyaasha Qaranku deegaanno badan ka saareen Khawaarijta.
Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixiso lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada.
Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.
— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 2 people, beard and daisMay be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person, dais, newsroom and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -