Shirka Toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo uu Guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Sharciga Canshuuraha Dakhliga iyo Xeer-Nidaamiyaha Maaraynta Maaliyadda Guud, Siyaasadda Deymaha iyo Hannaanka Amaahashada iyo Soosaarista Damaanadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ku saabsan horumarka iyo dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha dalka ka dhageystay Wasaaradda Howlaha Guud oo soo bandhigtay
Waddooyin laga dhisay Garowe, Baydhabo Iyo Kismaayo Iyo sidoo kale kuwo qorshuhu yahay in laga dhiso magaalooyinka Beledweyne iyo Dhuusamareeb, halka magaalada Muqdisho laga hirgelin doono biyo mareenno iyo dhuumo qaada bullaacadaha.

Golaha Wasiirrada ayaa ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Difaaca howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka, waxa uu goluhu bogaadiyey howlgalladii ugu danbeeyey oo deegaanno dhowr ah looga sifeeyey argagixisada.
May be an image of 10 people, dais and text
May be an image of 1 person, dais and text
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and dais
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 4 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here