Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee ku aaddan magacaabista Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed, kaas oo noqon doona Mudane Axmed Xuseen Cilmi.
Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Maaliyadda ee ah in Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ay xubin ka noqoto Guddiga Sare ee Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Shirka Golaha oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha dalka Mundane Xamsa Cabdi Barre ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo la xiriira, qiimeynta wax-qabadka Wasaaradaha Dowladda,sharciga nidaamka Xukuumadda , abaabulka iyo wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka qof iyo codka ah ee la doonayo in dalkeenna laga hirgaliyo.May be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 11 people, table and daisMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 12 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here