MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Shirka Madasha Horumarinta Soomaaliya 2024 oo uu soo qaban qaabiyay Mac-hadka Heritage ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.
Shirkaan waxaa lagu casuumay Masuuliyiin Dowlada ka tirsan,iyo qeybaha bulshada sida dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo markii ugu horeysay lagu casuumay kulan nuucaan oo kale ah.
Qodobka dhaqaalaha ayaa maanta looga hadlayay shirka waxaana ka mid ah dadkii ka hadlay Dr. Xasan Aadan Hoosoow oo ah la-talilayaha Madaxweynaha ee arrimaha Dhaqaalaha wuxuuna sheegay inay dhaqaaluhu yahay hal-bowle.
“Dhaqaalaha waa halbowle, in uu Machadka Heritage doodiisa furana waan bogaadinayaa.” ayuu yiri la taliye Dr. Xasan Aadan.
Sidoo kale waxaa isna ka hadlay La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha ee Arrimaha Dhaqaalaha Dr. Aweys Cabdullaahi Cali kaasoo xusay inay shirka ka soo qeybaleen shaqaalaha dib u habeynta maaliyadda.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay dadkii ka shaqeenayey muddo shan sano dib u habeynta maaliyadda, in shirkaan ay nagala soo qeyb galaan.” ayuu yiri Dr. Aweys.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM