Muqdisho-Soomaaliya October, 03, 2024: Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad ku yeeshay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyadda ee Villa Hargeysa, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Ugu horeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Guddiga Joogtada la wadaagay warbixin ku saabsan howlaha Golaha Shacabka gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee Golaha horyaala ayna tahay inuu Golaha ka shaqeeyo kalfadhigan shanaad.

Sidoo kale guddoomiyaasha guddiyada Golaha ayaa soo gudbiyay guddi walba hindise sharciyeedyada horyaala iyo habraacyada ay marayaan, waxaana Intaasi ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka ay ka doodeen ajendayaasha horutebinta u leh kulamada guud ee Golaha Shacabka todobaadka soo socda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ah kula dardaarmay dardargelinta shuruucda muhiimka u ah horumarinta dowladnimo ee dalka.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir:
Ibrahim Gudle Isak
Agaasimaha Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, beard, newsroom and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 people, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here