BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-C/casiis Xasan Maxamed Laftagareen oo ah Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta shir guddoomiyey Kulanka Golaha Amniga Maamulkaasi Koonfur Galbeed kaasoo ka dhacay madaxtooyada Magaalada Baydhaba.
Kulankaan waxaa lagu lafa gurey Istiraatijiyada xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed iyo ka hortaga dhagaraha  Kooxda Alshabaab.

Shirkan waxaa ka soo qeyb-galey Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasiir ku xigeenka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Baay, Gudoomiyaha Degmada Baydhabo iyo Saraakiisha Hay’addaha Amniga Qeybahooda kala Duwan.
Wasiir ku xigeenka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed oo sharaxaad ka bixinayay shirkaan qodobada looga hadlay ayaa carabka ku adkeeyay laba qodob oo kala ahaa la dagaalanka Alshabaab iyo ka wacyi-gelinta ciidamada amaanka ciyaarta qamaarka ah ee loo yaqaan  1XBET taasoo in badan mashquulisa ciidamada.
Wasiir ku xigeenka wuxuu sheegay in la faray saraakiisha ciidamada inay soo saaraan awaamiir lagula xisaabtamo ciidamada marka la eego ciyaartaasi qamaarka ee  1XBET balse marka hore laga wacyi geliyo.
Dhanka kale Masuulkaani wuxuu sheegay in Madaxweyne C/casiis Lafta gareen inuu saraakiisha faray in la dar dar geliyo dagaalka lagula jiro Alshabaab si shacabka dhulkaasi nabad ugu naaloodaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people and daisMay be an image of 10 peopleMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here