MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho shir u dhexeeya Dowlada Faderaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya sida Gal-mudug,Hirshabele,Jubaland,Konfur-Galbeed iyo Puntland.
Shirkaan oo si gaar ah ugu dhexeeya Wasaarada Maaliyada Soomaaliya iyo wasaaradaha maaliyada Maamul Gobleeedyada Dalka ayaa waxaa furey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Dowlada Faeraalka C/qafaar Cilmi Xaange.
Shirkaan waxaa loogu magac daray shirka Wadatashiga Miisaaniyadda 2025-ka,wuxuuna socon doonaa muddo saddex maalin ah oo maanta ka bilaabaneysa.
Mudadaani uu socon doona Shirka waxaa looga hadli doonaa horumarinta miisaaniyadda iyo Ilaha dhaqaalaha ee dalka.
Dhanka kale waxaa iyaguna qeyb ka ah shirka Maamulka  Gobolka Banaadir iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 3 people, beard and people smilingMay be an image of 5 people and crowdMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisNo photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here