Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay shir muhiimka ah oo udhaxeeya maamulka iyo daneeyayaasha amniga.

Kulanka ayaa waxaa isugu yimid saraakiil ka socotay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Jubaland, kuwa Daraawiishta, iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland ee JISA.

Advertisement

Shirka ayaa diiradda lagu saarayaaa xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa ciidamada amniga iyo daneeyayaasha, si loo horumariyo dadaallada xasilinta iyo kor u qaadida ilaalinta rayidka ee deegaannada cusub ee laga xoreeyey khawaariijta (NRAS), xaqiijinta nabad waarta, amniga, iyo horumarka gobolka.

Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ayaa dedaal dheer ku bixinaya sidii guud ahaan dalka ay uga hirgali lahayd xasilooni waarta.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here