Caasimada Dalka Eriteria ee Asmara waxaa saacadihii ugu dambeeyay ka dhacay kulan warbaahinta dunidu hadal heyo kaasoo u dhex-maray Madaxweynayaasha Somalia Xasan Sheekh,Ereteriya Asias Efwerk iyo Masar C/fataax Al-siisi.

Kulankaan oo marka dhan loo eego argagax ku ah Dowlada Masar ayaa hadana looga hadlay arin xasaasi ah gaar ahaan amaanka iyo xasiloonida bada casa oo wada marta dalalkaani oo aan kala fogeyn.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha dalka Masar Mudane Cabdulfataax Alsiisi iyo Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerk ayaa waxaa uga socda magaalada Asmara

Shir-kaan saddex geesood-ka ah dan weyn u yahay Somalia oo Itoobiyaanku dulmi weyn ku hayaan xili Ciidamo badan oo Itoobiyaan ah ay ku sugan yihiin gudaha Somalia iyagoo ku jooga magaca howlgalka nabad ilaalinmta ATMIS.

Bishii Janaayo ee sanadkaan markii Itoobiyaanku soo damceen Badda Somalia islamarkaana ay heshiis sharci daro ah la galeen maamul goboleedka Somaliland waxaa cirka isku sii shareerayay xiisada diblomaasiyadeed iyo cadaawadii awalka ka dhaxeysay Somalia iyo Itoobiya.

Cadaw-gada caddowgiisa waa saxiibkaa ayay Somalidu dhahdaaye Masar iyo Itoobiyana waxay isku hayaan biyaha wabiga Niil oo ka dhaxeeya markii Itoobiyaanku dhexda ka xirteen oo biya xireen sharci daro ah u sameyteen,sidoo kale Ereteria iyo Itoobiya waxay isku hayaan dhul waxaana ka dhaxeysa cadaawad soo jireen ah tan iyo markii ay ka go’een Itoobiya.

Shirkaan oo aan wali dhamaan waxaa lagu wadaa inay ka soo baxaan heshiisyo dalalkaani ka dhaxeeya kaasoo ka dhan ah dulmiga joogtada ah ee Itoobiya ku heyso dalalkaasi dariskeeda ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and dais

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here