Shirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Kalluumeysiga Dowladaha Xubanaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta ee Dowlad Goboleedka Galmuudg.

Shirkaan oo ah kii 3aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga waxaa diiradda lagu saaray xoojinto wadashaqeynta u dhaxeysa Wasaaradaha heer Federaal iyo heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka, Warbixinta iyo hadafka horumarinta Kalluumeysiga, ka doodista iyo Hirgalinta Habraacyada Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga (FMDC) iyo mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go’aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo hadal kooban ka jeediyey shirka ayaa bogaadiyey shaqada wanaagsan ee laga qabtay horumarinta Kalluumeysiga iyo ka faa’iideysiga wanaagsan ee kheyraadka badaha ee dalka, waxa uu sheegay in Kalluunku uu kamid yahay kheyraadka uu ALLE ku manneystay dalkeenna haddii si wanaagsan looga faa’iideystana ay horseedi karto in la gaaro isku filnaansho dhaqaale oo waara.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa furitaanka shirka ka sheegay in guulo wax ku ool ah laga gaaray shirarka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga, waxa uu sheegay in mudnaansiinta horumarinta Kalluumeysiga qaranka ay tahay waxyaabaha munaanta koowaad u ah golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga.

Wasiirada Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee dowlad goboleedyada Jubaland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, iyo ku xigeenka arrimaha bulshada ee Maamulka Gobolka Banaadir ayaa si wada jir ah u sheegay in meel looga soo wada jeesto sidii looga wada shaqeyn lahaa horumarinta Kalluumeysiga.

Shirkan ayaa la filayaa laga soo saaro warmurtiyeed lagu faahfaahinayo qodobada mudnaanta u leh golaha ee diiradda la saari doono si guulo looga gaaro ajendeyaasha qaran iyo heer federaala ee dhinaca Kalluumeysiga.
=XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA=
May be an image of 10 people, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and text that says "न SHIRKA 3 EE GOLAHA MAAMULKA SHIRKAEEGOLAHA MAAMULKAIYOHORUMARINTA HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA X3F.S FEDERAL REPUBLIC SOMALIA WNITEYOERESMENESANORLECOMONY MINSTRYOF MINSTRYCEASHI 9:MAY-2024 D-***ER44UN AHAR 沖增海都.理 FISHERIESMANAGEMENTAND THE THETHIRDMEETINGOFTHESOMALI HETHIRD MEETING OF HE SOMALI FISHERIES MANAGEMEI DEVELOPMENT COUNCIL DEVELOPMENTCOUNCIL_(FMDC) FMDC)"May be an image of 7 people, suit, newsroom and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, studying, newsroom and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 1 person, dais, newsroom and textMay be an image of ‎1 person, dais, newsroom and ‎text that says "‎dasasi SHIRKA 3 SHIRKAEEGOLAHA EE GOLAHA MAAMULKA MAAMULKAIYOHORUMARINTA AIY IYO HORUMARINTA KALLUUMEYSIGA O م X3F.S FEDERAL ИTPCHbl MINSTRYCEASI ASHERIESANDLI REPUBLIC SOMALIA MIMSTRYOF 9-MAY-2024 24GA44M AHA6GR4KIPL4 神豊瘦自道 LAND LANDSTATE STATE THE HETHIRD MEETING FISHERIESMANAGEMENTAND THETHIRDMIEETINGOFTHESOMALI OF OFTHE HE SOMALI FISHERIES MANAGEMEI DEVELOPMENT COUNCIL EVELOPMENTCOUNCIL(FMD (FMDC)‎"‎‎May be an image of 1 person, studying, newsroom, dais and text that says "SHIRKA 3 E SHIRKAEGOLAHA GOLAHA MAAMULKAIYOHORUMARINTA HORUMARINTA MAAMULKA KALLUUMEYSIGA नર レーーッタン X3F.S FEDERAL REPUBLIC И MISTAYCER SOMALIA ΟECO43И 29-MAY-2024 -4408 常道感自物! THE THETHIRDMEETINGOFTHESOMALI ETHIRD MEETING OF rHE SOMALI FISHERIES FISHERIESMANAGEMENTAND MANAGEME DEVELOPMENT DEVELOPMENTCOUNCIL(FMDC) COUNCIL (FMDC)"May be an image of 1 person, dais, newsroom and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here