Shir degdeg ah oo ay madaxda dalalka Jaamacadda Carabtu 27-ka bishan ku yeelan lahaayeen magaalada Qaahira, kaas oo diiradda lagu saari lahaa xaaladda marinka Qasa ayaa dib loo dhigay.

Dowladda Masar oo marti-gelinaysa shirkaas ayaa shaacisay inuu qabsoomi doono 4-ta bisha soo socaya ee Maarso, waxayna
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar sheegtay in taariikhda cusub lagu heshiiyay kadib wada-tashiyo lala yeeshay xubnaha Jaamacadda Carabta, iyadoo la tixgeliyay baahida loo qabo diyaar-garow dhanka farsamada iyo abaabulka ah si shirku u noqdo mid mira dhal ah.

Advertisement

Shirkan oo ay isku dubaridday dowladda Baxreyn oo hadda haysa xilka shir guddoonka Jaamacadda ayaa looga hadli doonaa xaaladda marinka Qasa iyo qorshaha Mareykanka ee lagu barakicinayo dadka halkaas ku nool.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here