Garoowe: 27 August, 2024: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Ilyas Osman Lugator, ayaa maanta daah-furay shirka wadatashiga kor-uqaadida sugnaanta cuntada iyo nafaqada Puntland.
Shirka waxaa looga hadlay sidii loo heli laha isku tashi gudaha ah iyo sidii xal waara looga gaari lahaa cunto yarida ka jirta Puntland.
Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno kamid ah Goleyaasha Dowladda, Agaasimeyaal Guud, qaar ka mid ah Guddoomiyayaasha Degmooyinka, bahwadaagta dhaq-dhaqaaqa sare-uqaadista nafaqada, xubno ka socday bulshada Rayidka ah, Hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Hay’addaha aan Dowliga ahayn.
Advertisement