Wasiiru dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha XFS Maxamed Cabdullaahi, Wasiir-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka JFS, Xildhibaan Asad Cabdirisaaq oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa magaalada Muqdisho uga qeybgalay Dood cilmiyeed ay soo qaban-qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka kaas oo u jeedkiisa ahaa sidii dib loogu dhisi lahaa Buundooyinkii gobolka Gedo ee ku burburay fatahaaddii El-nino isla-markaana loo xoojin lahaa dadaallada u qareemidda iyo qaaraan-aruurunta ee socda.

Kulankaan waxaa si gaar ah looga hadlay saameynta taban ee ka dhalatay roobabkii xoogganaa ee dalka ka da’ay dhammaadki sanadkii hore gaar ahaan qiimeynta Buundooyinka gobolka Gedo ee burburay, sidii loo taageeri lahaa isku-dayga dadka degaanka ee ku aaddan dib u dhiska Buundooyinka iyo garab istaagga howlaha Guddiga Dib-u-dhiska, waxaana qeyb ka ahaa madashaan khubaro aqoon durugsan u leh muwduuca dood-cilmiyeedkaan.

Advertisement
Wasiirada iyo madaxdii ka qeybgashay kulankaan ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay Buundooyinku u leeyihiin guud ahaan nolosha bulshada, halka Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dr. Axmed Cabdi Aadan oo kulanka soo xiray uu xusay in SoDMA ay mar waliba diyaar la tahay kaalinteeda, isagoo si weyn u boorriyay is-kaashiga iyo isku-tashiga bulshada Gedo.
May be an image of 4 people, dais and newsroomMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 2 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 7 people, hospital, dais and textMay be an image of 3 people, television, newsroom and text that says "N FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA Somali Disaster Management Agency SoDMA VISION To transform Somalia into a fair, safer and resilient society where the impact of hazards would not hamper development and better quality of fe is achieved through effective ergency response, disaster risk uction and resilient recovery. 오 Moderator ABDULLAHI MOHAMED ABDULLAHIMOHAMEDA A &Training Somali lives, property ronment through government predict, manage"May be an image of 6 people and dais
May be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here