Danjiraha JFS ee u fadhisa Jamhuuriyada Shiinaha, Dr. Hodan Cismaan Cabdi ayaa ka qayb gashay kulan uu guddoomiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Shiinaha, mudane Wang Yi, kaas oo ay sidoo kale kasoo qayb galeen safiirada dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Kulankan ayaa lagu xoojiyay iskaashiga taariikhiga ah iyo aragtida wadajirka ah ee ku saabsan nabadda, horumarka, iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Shiinaha iyo dalalka Xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta.
Danjire Dr. Hodan Cismaan oo kulanka ka hadashay ayaa muujisay taageero ku wajahan walaalaha Carabta ee la tacaalaya duruufaha adag oo ay ka mid yihiin Gaza, Lubnaan, Yemen, iyo Sudaan. Sidoo kale waxay carrabka ku adkaysay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyada oo soo bandhigtay aragtida lagu xoojinayo iskaashiga istiraatiijiga ah ee labada dhinac.
Advertisement