ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)- Caasimada Dalka Itoobiya waxaa ka dhacay shir u dhexeeyay Soomaalida Itoobiya iyo Canfarta kaasoo looga hadlayay heshiis nabadeed oo rasmi ah sidii loo gaari lahaa labada dhinac marka la eego colaadii hore u dhexmartay.
Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay wasaarada Nabada ee Dowlada Itoobiya ayaa muhiimadiisu waxay ahayd sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiis hore ay u kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Dowlad deegaanada Soomaalida Itoobiya iyo Canfarta.
Odayaasha dhaqanka Soomaalida iyo kuwa canfarta ayaa ka qeybgalay shirka waxaana la sheegay in shirku si nabad ah ku soo dhamaaday laguna heshiiyay in laga hor tago dagaal danbe oo dhexmara labada dhinac.
Colaada Soomaalida iyo Canfarta oo xududu wadaag ah ayaa ah mid soo laab-laabtay waana sababta hada shirkaani loo qabtay si ka hor tag loo sameeyo oo aane mar kale dhiig iska daadin labada dhinac.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM