HomeWarkiiShir ku saabsan la dagaalanka arrimaha xag-jirka oo maanta  Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

Shir ku saabsan la dagaalanka arrimaha xag-jirka oo maanta  Muqdisho lagu qabtay+SAWIRRO

Muqdisho, 8 April 2025: Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka guud ee hay’adaha DFS, Dowlad Goboleedyada, Ururrada Bulshada, Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya, Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxalliga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha la dagaalanka fikradaha xag jirka ah iyo ka hortagga falalka argagixisonimada ee nabadda ka dhanka ah (Preventing & Countering Violent Extremism).
Kulankan oo ay soo qaban-qaabiyeen Hay’adda Qaran ee Tubsan ee La Dagaalanka Fikradaha Xag-Jirka ah ayaa waxaa looga dooday halka ay marayaan hawlaha la dagaalanka fikradaha xagjirka iyo argagixisonimada iyo sidii hay’adaha ku mideysan hawshan ay iskaga kaashan lahaayeen dardar-gelinta barnaamijkan oo muhiim u ah in Soomaaliya ay dib u hesho xasilooni buuxda, qeybna ay ka qaadato nabadda gobolka iyo tan caalamka.
Wasiirka Warfaafinta, Mudane Daa’uud Aweys oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa xusay in hawlaha la xiriira fikradaha xajirnimada ee rabshadaha wata aan laga mira dhalin karin haddii aanay jirin iskaashi buuxa oo dhex mara hay’adaha dowliga ah, bulshada iyo qeybaha kale ee muhiimka u ah najaxinta qorshahan qaran.
Sidoo kale, Wasiir Daa’uud ayaa xusay muhiimadda isku duwidda shaqooyinka barnaamijkan oo noqon kara waddada keliya ee lagu xaqiijin karo in jawaab celin waafi ah oo dhameystiran, iskuna dhafan laga bixiyo caqabadaha xagjirnimada rabshadaha wata.
Wasiirka ayaa sidoo kale kulanka uga warbixiyay hawlgalladii ugu dambeeyay ee Ciidamada Qalabka Sida ay ku qaadeen Khawaarijta, kuwaas oo guulo la taaban karo laga soo hoyay, isla markaana ku ammaaney shacabka sida ay ugu baraarugsan yihiin damaca guracan ee Khawaarijta oo mar walba lid ku ah nolosha iyo bedqabka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Danjiraha Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Pier Mario Daccò Coppi iyo Ku-Xigeenka Wakiilka Hay’adda Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) Dr. Christopher Laker iyo mas’uuliyiin kale ayaa iyaguna kulankan hadal ka jeediyay, iyagoo ku amaaney Hay’adda Tubsan iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya sida ay uga go’an tahay baabi’inta fikradaha xagjirnimada iyo inay Soomaaliya u horseedaan nabad, barwaaqo, horumar bulsho iyo mid dhaqaale intaba.May be an image of 2 people, dais and text that says "miand Rahortagga-tyo L2 Dagaalanka Fel Xagjirk abshadaha Wata san's Quarterly "nation Working 025 Sre"May be an image of 3 people, dais and text that says "AMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMA JAMHUURIYADDAFEDERALKASOOM/A ALIYA XARUNTA QARAN HORTAGA OLADAGKILANKA FIKIRADAHA XAGJIRKA AH AH HE WWUNTAGRANEKAMORI/GATOLCNC EE RABSHADA WATA KOICA UN funding from KDICA DP Kulanka Seddex Biloodlaha ahce Madasha Isku-xirka Hawlaha Kahortagga iyaLa Dagaalanka Fekerka Xagjirka Rabshadaha Wata Tubsan's Quarterlv oordination Working Group Apr2025 Apr 2025 さん"May be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 2 people, newsroom, dais and text that says "Kulanka Seddex Biloodlaha Madasha Hawlaha Kahortagga a Dagaalanka Xagjirka eeRa ee ee-Rabshadaha adaha Wata Tubsan's Quarterly P Prmordinatic.. brdinatic....orl .ork Ve 2025 Begth た3"May be an image of 5 people, dais and text that says "e Madasha Isku-xirka agaalanka Fekerka daha Wata nation Working nationWorkingGroup Group -"May be an image of 2 people, beard, people studying and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 1 person, dais and text that says "laha Kahortagga Dagaalanka F Xagjirk abshadaha Wata 's Quarteri nation Workir"May be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 4 people, people studying and daisMay be an image of 6 people, people studying, table and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 10 people, people studying and tableMay be an image of 2 people, dais and text that says "Kutanka seddex Hawlaha Kahortagga Mava Dagaalank Xagjirka ee-Babskadaha ee Wata KOICA s Quarterly PCV 8ン rdinaticn N Venu 2025 KOICA"May be an image of 1 person, dais and text that says "dasani"May be an image of 14 people, people studying and textMay be an image of 11 people, people studying, dais, newsroom and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "miand Rahortagga-tyo L2 Dagaalanka Fel Xagjirk abshadaha Wata san's Quarterly "nation Working 025 Sre"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -