NAIROBI (DAYNIILE.COM)- Siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Habar-gidir ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Nairobi ku kala kacay iskuna sigtay inay isku gacan qaadaan.
Shirkaan oo ay fadhiyeen qaar ka mida xildhibaanada beeshaasi ayaa la sheegay in ajandihisu ahaa ka hor imaanshaha qorshaha doorasho ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh balse si weyn ayaa la isugu khilaaay .
Wararka qaar ayaa sheegaya in gacan ka hadal xitaa uu dhacay oo caagadaha biyaha la isla dhacay inkastoo aan xaqiiqo loo heyn.
Sida laga dareemayo muuqaal yar oo baraha bulshada la soo dhigay ugu dambeyn shirka waa lagu kala tagay markii laba dhinac la kala noqdaym, koox waday qorshe looga hor imaanayo Madaxweyne Xasan iyo koox ka soo horjeeday oo taageersan siyaasada Dowladu ku soco gaar ahaan in la qabto doorasho qof iyo cod ah.
Ma jirto siyaasi ama waxgarad si toos ah warbaahinta u hor yimid kana hadlay shirkaani la sheegay in maanta gacmaha la iskula tagay inta aan ka war heyno.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement