𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐬𝐛𝐢𝐲𝐚𝐝𝐚:
Waxaa Xarunta dhexe ee Guddiga Doorashooyinka Puntland ka qabsoomay shir u dhexeeyey, Guddigga Doorashooyinka iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland.
Kulanka oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiye K/X Guddiga ahna ku simaha Guddoomiyaha Mudane Ahmed Mohamoud Omar, waxaa ka soo qaybgalay Masuuliyiin matalayey:
1. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙍𝙪𝙣𝙘𝙖𝙙
2. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙈𝙪𝙨𝙩𝙖𝙦𝙗𝙖𝙡
3. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙈𝙞𝙙𝙚𝙚𝙮𝙚
4. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙎𝙝𝙖𝙦𝙖𝙖𝙡𝙖𝙝𝙖
5. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙎𝙞𝙣𝙘𝙖𝙙
6. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙆𝙖𝙖𝙝
7. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙃𝙤𝙧𝙨𝙚𝙚𝙙
8. 𝙓𝙞𝙨𝙗𝙞𝙜𝙖 𝙄𝙛𝙞𝙮𝙚
kulanka oo isugu jiray is xogwaraysi iyo isla meeldhigida shaqooyinka socda ayaa Guddoomiyaha Guddiga waxa uu Masuuliyiinta shirka kasoo qaybgashay warbixin guud ka siiyey hawlaha u qabsoomay, shaqooyinka socda iyo kuwa qorshaysan, inta uu shirku socday sidoo kale waxa ay Mudanayaasha kasoo qaybgalay kulanka si fiican uga doodeen socod siinta hawlaha doorashada 3-da Degmo ee Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiiraan.
Waxaa shirka ka soo baxay layslana qaatay :
1. In la dar dargeliyo shaqooyinka maalinlaha ah ee Doorashooyinka
2. In wixii arimo farsamo ah ee jira Xisbiyada iyo Guddigu ka wada shaqeeyaan laguna dhexsaxo inta shaqadu socoto
3. Shirku wuxuu islaqaatay muhiimada ay leedahay in dawladdu ay qaadato doorkeeda arimaha dhamaystirka 3-da Degmo, fududaysana tasiilaadka ay u baahantahay.
Ugu danbayn shirka oo ahaa mid mira-dhal ah wuxuu ku soo dhamaaday jawi degan iyo is af-garad buuxa, waxaana loo balamay in lasii joogteeyo shirarka Xisbiyadda iyo Guddiga si looga mira-dhaliyo hanaanka Dimuqraadiyadda ee Puntland qaadatay.
=XIGASHO PUNTLAND TV=
May be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, beard, studying, glasses and newsroomMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 3 people, newsroom and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and beardMay be an image of 1 person, dais and newsroomMay be an image of 1 personMay be an image of 1 personMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 2 people, dais, newsroom and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 1 person, dais and newsroom
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here