Kampala, 10 Janaayo 2025 – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa ka qayb galay shir heer wasiir ah oo ka dhacay Magaalada Kampala ee caasimadda wadanka Uganda.
Shirka ayaa loogu diyaar garoobayaa shir-madaxeedka Midowga Afrika oo lagu wado in uu dhawaan ka dhaco magaalada Kampala.
Wasiirka waxaa shirka ku wehlinayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Xaadow iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare.
Inta uu socday shirka waxaa diiradda lagu saaray istiraatiijiyadda horumarinta beeraha dalalka Afrika tobanka sano ee soo socda (2026–2035).
Wasiirradii ka qayb galay shirka ayaa isku raacay in xoogga la saaro tacbashada iyo kor u qaadista wax soo saarka beeraha si loo xoojiyo isku-filnaanta dalalka Afrika.May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 1 person, dais and crowdMay be an image of dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 7 people, people studying, dais and textMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here