
Wasiirka Amniga, Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida uu ugu horeeyo Taliyaha Guutada 3’aad iyo Saraakiisha AUSSOM ayaa qeyb ka ahaa kulanka.
Ugu horeyn Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhageeystay qeybaha shirka ku sugnaa.
Taliyaha Sector 5 ee ciidamada AUSSOM gaar ahaan kuwa Burundi Col. Oscar Hatungiman ayaa sheegay inay sii xoojinayaan dadaallooda dhanka nabad-galyada ee sannadihii dambe ay ka wadeen Soomaaliya gaar ahaan Hirshabeelle oo goobo dhowr ah ay ka joogaan.
“Dowladda iyo Shacabka Burundi waxaan uga mahadcelinayaa naf-hurnimada ciidamadooda, runtii qalbiyadeenna ay ku jiraan oo kaalin muuqato ayay ku leeyihiin howlgalka AUSSOM.”
Ugu dambeyn Madaxweynaha Hirshabeelle oo kulan gaar ah kula qaatay xafiiskiisa ayaa kaalintooda ku abaalmariyey saraakiisha Burundi ee waqtiga dheer ka howlgaleyso Hirshabeelle.
DHAMMAAD
Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Madaxtooyadda
Mohamed Shurie Nur




