JIGAWA (DAYNIILE.COM)-Booyad shidaal siday oo shil gashay ayaa sababtay dhimashada  dad ka badan 150 ruux Dalka Nigeria jimcihii la soo dhaafay.

Guud ahaan Dowlada Nageria waxay baahisay inay shilkaasi ku dhinteen 170 ruux markii iyadoo xowli ku socota ay ka jartay gaari kale oo ka hor yimid sidaana wadada uga baxday booyadii shidaal siday kdibna ku rogmadatay Magaalada Beeraleyda ay degto  oo ku taal waqooyiga Nigeria ee Gobolka Jigawa.

Advertisement

ehalada dadkii badnaa ee ku dhintay shilkaasi oo garab ka helaya Dowlada Nageria ayaa wali la soo sheegayaa inay la tacaalatyaan aaska dadkii dhintay iyo daweynta kuwii ku gubtay dabka ka kacay booyada.

“Waxay ahayd xaalad aad u xun oo aynaan weligeen ka arkin magaaladan, dad badan ayaa naftooda ku waayey,” ayuu yiri  Ganacsade deegaanka ah oo lagu magacaabo Mustapha Abdullahi kaasoo u waramayay warbaahinta Al Jazeera.

“Qoyskayga, waxaan ku weynay ilaa 52 qof – dhammaan qaraabada dhaw ah.”ayuu mar kale yiri Ganacsade Mustapha Abdullahi

Markii booyadu rogmatay shidaalka ayaa bilaabay in uu ka soo daadago booyada, waxaana dadka wadada marayay iyo dadka deegaanka ay ku yaaceen iyaga oo wata dhalooyin si ay u aruursadaan waxa dhulka ku daatay.

Darawalka oo ka badbaaday shilka ayaa isku dayay in uu dadka uga digo in ay goobta isaga tagaan si ay u badbaadiyaan naftooda , sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, balse intooda badan ma aysan dhageysan.

Kadib waxaa goobta ka dhacay qarax weyn, kadibna waxaa xigay dab qabsaday agagaarka deegaanka,waana sababta keentay in dabka oo baahay uu sababay dhimashada 170 ruux.

Dabka ayaa qabsaday dhowr iyo toban qof oo isugu soo baxay meel u dhow booyada, iyo qaar kale oo u yimid inay gurmad u fidiyaan.

Maamulka iyo dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa 100 qof ay ku dhinteen goobta, tirada kalena markii dambe isbitaalka ku dhinteen.

“Kuwa dhaawacmay waxaa lagu daweynayaa isbitaallo kala duwan oo ku yaalla gobolka iyo gobolka deriska la ah,” ayuu yiri Cabdullaahi, isaga oo u mahad-celinaya qoloda gurmadka

Uzairu Musa Mainama, oo ah hilible deegaanka ah oo u baxay si uu u caawiyo shilkii hore ka dib, waxaa soo gaaray gubasho halis ah laakiin waa ka badbaaday.

“Waxaan joogay guriga markii aan maqlay dadka oo qaylinaya oo ku baaqaya gargaar,” ayuu yiri.

Markii hore, wuxuu joogay guriga, laakiin wuxuu sheegay inuu markaas u maleeyay in kuwa dhaawacmay ay u baahan karaan gargaar.

“Laakin markii aan meesha soo gaarnay, wax ka yar saddex daqiiqo ayuu dabku billowday.” ayuu mar kale yiri

Ninkaani gurmadka u baxay ee isagii dabku qabsaday wuxuu intaasi ku daray inuu iska siibay shaatigiisii oo gubanaya islamarkaana uu lugihiisa ku tagay isbitaalka.

“Isbitaalka waxaa joogay in ka badan 100 qof oo iyaguna soo  dhaawacmay.”ayuu mar kale yiri ninkaasi u waramayay TV-ga Aljazeera

Afhayeenka booliiska Lawan Shiisuu Adam ayaa sheegay Jimcihii in isbitaalka la soo gaarsiyay  ilaa 70 ruux  oo dhaawacyo gubniin ah qabay kuwaasoo wali la dabiibayo.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ku dhawaad ​​qoys kasta oo ku nool Majia iyo bulshooyinka ku xeeran ay masiibada saameysay, si toos ah ama si dadban.

Shaqaalaha samatabbixinta iyo kuwa badbaaday ayaa sheegay in tirada khasaaruhu ay sare u kici karto, iyadoo la tixgelinayo in qaar ka mid ah dhibbanayaasha ay soo gaareen gubashada heerka saddexaad oo ay saameeyeen xubnaha muhiimka ah.

Dadka deegaanka ayaa Aljazeera u sheegay in 120 qof lagu aasay xabaal wadareed duleedka magaalada Majia, halka 50 kalena lagu aasay meelo kale.

SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Nigeria Tanker ExplosionPeople gather near the remains of a fuel tanker that exploded in Majia, Nigeria [Ali Rabiu Ali/Al Jazeera]A survivor of a devastating fuel tanker explosion is treated at a hospital in Jigawa state, Nigeria [Ali Rabiu Ali/Al Jazeera]Community members grieve at a mass grave site for victims who died in a fire in Majia, Nigeria [Ali Rabiu Ali/Al Jazeera]

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here