OMDURMAN (DAYNIILE.COM)-Tirada dadka ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay magaalada Omdurman ayaa gaartay ugu yaraan 46 qof, oo ay ku jiraan haween iyo carruur, sida ay saraakiishu sheegeen Arbacada maanta ah.
Shilkaan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah shilalka diyaaradeed ee ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca waqooyiga bari Afrika labaatankii sano ee la soo dhaafay.
Diyaaradda Antonov ayaa Talaadadii ku burburtay degmada ay dadku ku badan yihiin ee Omdurman ah, iyadoo ay sidoo kale ku dhaawacmeen ugu yaraan 10 qof, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta ee ay dowladdu maamusho ee Khartoum.
Dhimashadii ugu horreysay ee 19 waxaa bixisay wasaaradda caafimaadka inkastoo hada dhimashadu mareyso 46 ruux.
Milateriga ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in diyaaradda ay burburtay xilli ay ka soo kacday saldhigga ciidamada cirka ee Waadi Sayidna ee waqooyiga magaalada Omdurman oo ah magaalada ay walaalaha yihiin ee caasimadda Khartoum.
Shilkan ayaa sidoo kale burburiyay tiro guryo ah oo ku yaalla degmada Karrari ee Omdurman, sida uu sheegay xafiiska warbaahinta.
Ciidamada ayaa horay u sheegay in dad shacab ah ay ku dhinteen shilkaasi, balse ma aysan sheegin waxa sababay shilka.
SOURCE: AP
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM