Gaari xamuul ah oo ka baxay Magaalada Nairoobi ee Xarunta Dalka Kenya ayaa la sheegay inuu si xowli ah ugu dhacay gaari nuuca dadweynaha qaada ah kaasoo loo yaqaan Matatu wadada Mai Mahiu oo ka tirsan ismaamulka Nakuru.

Gaariga xamuulka oo siday qalabka dhismaha ayaa la soo sheegayaa inuu koontaroolka beelay sidaasna uga daba tagay matatuuda halkaansa waxaa ka dhacay shil sababay khasaare nafeed .

Advertisement

Inta laga war hayo 10 ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen shilkaasi halka laba kalana ku dhaawacmeen kuwaasoo goobaha caafimaadka loola cararay.

Gaariga dadka badan ku dhinteen ee mataatuuda waxaa leh shirkadda MUNA Sacco.

Taliyaha Booliiska OCPD-ga ee qaybta magaalada Naivasha Samuel Kirui ayaa mar uu ka hadlayay dhacdadaani wuxuu ugu horeyn tirada dhimashada u xaqiijiyay warbaahinta,wuxuuna xusay in 10-ka dhimatay 9 ka mida isla goobta naftu kaga baxday halka qofka 10-aad dhaawac ahaan loo qaaday balse uu geeriyooday intii isbitaalka loo sii waday.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here