Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa saacadihii ugu dambeeyay qabsaday caalamka kaasoo muujinaya muran dhex-maray shaqaalaha Shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines iyo Gabar Soomaaliyeed oo ka mid ahayd rakaabka.

Muuqaalka la baahiyay wuxuu muujinayaa Gabadha Soomaaliyeed oo xoog looga dejinaayo diyaarada iyadoo heysata warqadaheeda sharciga ah.

Advertisement

Weriyaha TVga CNN Larry Madowo ayaa muuqaalka iyo warbixinta dhigay barahiisa bulshada taasoo keentay in si weyn poo faafiyo.

Wariyahaan wuxuu sheegay in Gabadha Soomaaliyeed kursigeeda la fariisiyay Wasiiir taasoo keentay in iyada laga reebo balse dagaal bay u gashay ineysan sharci daro ku hareyn ilaa markii danbe loo adeegsaday kuwa amniga diyaarada qaabilsan.

Waxaa baraha bulshada lagu faafiyay shaqaalaha diyaarada iyo Gabadha Soomaaliyeed oo murmaya islamarkana dood adag ay dhex-mareyso ilaa marka danbe Gabadha xoog loo adeegsaday.

Wariyaha wuxuu qoraalkiisa ku cadeeyay inaaneey shaqaalaha ahirkada adeegsan hab asluubeysan oo ay ku qancin kareen gabadha balse kaliya si qaldan ay u adeegsadeen dejinta Gabadha.

Idaacada BBC-da ayaa baahisay war ay dib ka soo saartay shirkada diyaarada Ethiopian Air taasoo sida muuqata been soo dhoodhoobtay madaama ay ilaalinayaan sharaf dhaca soo gaaray shirkada.

Ethiopian Airlines waxay sheegtay in si qaldan tikidho loo bixiyay sidaas daraadeedna ay si asluubeysan uga codsadeen Gabadha Soomaalida ah iyo qof kale inay duulimaadka xiga raacaan laakiin ay Gabadha Soomaalida ah diiday halka qofka kale uu aqbalay codsigooda.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here