Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ayaa hadal ka jeediyay xaaladda siyaasadeed iyo xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, isaga oo sheegay in habka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ula hadlayo Itoobiya aysan ku habboonayn xaalada hadda jirta.

Madaxweyne Sheekh Shariif “Itoobiya haddii ay bad ganacsi rabto maxay uga raadsan waysay Jabuuti, Eritrea ama Suudaan, maxay Somalia uga soo doonatay? Xaqiiqda ayaa ah in Itoobiya aysan bad ganacsi rabin laakiin ay rabto bad ay qaadato mugdi badan ayaana ku jiro waxa lagu soo heshiiyay”

Advertisement

Sheekh Shariif ayaa tilmaamay in sida loo maareynayo xiriirka diblomaasiyadeed ee Itoobiya uu khatar ku noqon karo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya Madaxweyne hore ayaaa sheegay in baarlamaanka la marsiiyey hashiis dhigaayo in aan dowladda itoobiya lala xiriirin ilaa ay raali gali ka bixiso hashiis beenaadki ay lagashay maamulka Soomaaliland, haddaba waxaan arganay isla Madaxweynahi mooshinkaas keenay Baarlamaanka in uu asiga cid kala tashan adis ababa ka dagay.

“Xasan Sheekh Dalka xoog kuma heysan karo,Dalkan xoog waa lagu joogi waaye,Farmaajo ayaa ku joogi waaye,Mareykan iyo Itoobiya ayaa ku joogi waaye,

Qaranka Soomaaliyeed waala dhacayaa,Dhulka Carwada Qaranka waxaa loo iibinayaa Guddiga Xaaaranta ku dhisan ee doorashooyinka,Waxaa hadda miiska Saaran Dhulka Villa Baydhabo iyo Isbitaal Martiini”

Waxa uu sidoo kale uga digay in la iska indho-tiro arrimo muhiim ah oo ku saabsan madax-bannaanida iyo mas’uuliyadda dowladeed ee Soomaaliya, isagoo ku booriyay madaxda in ay si taxadar leh ula dhaqmaan deriska iyo arrimaha siyaasadda gudaha.

 

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here