NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Khasaare nafeed ayaa ka dhashay masaajidka 6-ka ee xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasoo bilihii ugu dambeeyay uu ka socday dhimaha masaajidka iyadoo la ogyahay in qeybta 7-ka hore loo dhisay hadana lagu tukado.
Dabaqa 3-aad oo la shubayay ayaa la xaqiijiyay inuu soo dumay, waxaana ku dhaawacmay laba ka mida shaqaalaha dhismahaasi waday kuwaasoo dhibaatada gaartay aaney cusleyn.
Shiikha Masaajidkaasi Sh. Maxamed Cabdi Umal oo ka hadlayay gudaha masjidka qeyta 7-ka ayaa ka hadlay sharaxaad ka bixiyay qaabka uu u dumay masaajidka 6-ka isagoona ugu horeyn beeniyay sida dadka qaar baraha bulshada ku baahiyeen.
Shiikh Umal wuxuu cadeeyay in dabaqa 3-aad oo la shubayay markii shaqadu dhamaatay oo shubkii ugu dambeeyay lagu shubay ay dumeen dhamaan geedihii ama birihii lagu celinayay shubka taasoo keentay inuu soo dumo guud ahaan shubkii qoyanaa ee la saaray dabaqa 3-aad balse shiikhu wuxuu carabka ku adkeeyay in aanay tiirarku waxba soo gaarin.
“kuwa social media-ha wax ku qora siday u buun buuniyeen waxba kama jiraan tiirarka shubkuna waxba ma gaarin kaliya waxa dumay waa geedihii shubka lagu celinayay waxayna taasi keentay in shubkii qoyanaa soo dumo, wax sidaa u weyna maaha oo waa dhacdooyin inta badan ka dhaca marka dabaqyada la dhisayo”ayuu yiri Sheekh Maxamed Cabdi Umal.
Sheekha wuxuu dhanka kale qirey in labo ruux oo ka mid ah dadkii meeshaasi dhisayay uu soo gaaray dhaawac fudud.
“waxaan halkaan u soo istaagay wax yar inaan saxo islamarkaana idinla wadaago howshii ka dhacday maanta masaajidka 6-ka qeybta dhismuhu ka socdo ooba laga yaabo dadka qaarkood niyad xumi ama niyad sami inay si qalada u turjumaan, waxaan raba inaan idin siiyo macluumada saxda ah, saad la socotaan masaajidka dhismaa ku socotay qeybta 6-ka , waxaana la soo dhisay labadii dabaq ee dhulka ka hooseeyay, kii dhulka oo ah kan hada aan ku tukaneyno oo kale kii ka koreeyay oo ah kan hada inaga koreeya kii ka sii koreeyay ayaa maanta la shubayay marka waxaa dhacday markii birihii iyo wax walba loo dhameystirey oo injineerkii weynaa yimid ayuu amray in la shubo kadib markii shubkii la dhameystirey , oo shaqaalihii ugu dambeeyay ka sii baxayan ayaa waxaa dumay geedihii shubka hayay, tiirarka maaha , way taagan yihiin tiirarka waxba ma gaarin waad arki kartaan laakiin waxaa dumay geedihii hayay shubka kadibna shubkii oo qoyan ayaa la dumay, birihiina dabcan way la dumeen,Alle fadligii wax wax gaaray ma jiraan, kaliya laba shaqaalihii masaajidka ka mida ayaa dhaawacyo fududi ka soo gaareen”ayuu yiri Shiikh Umal .
Shubka korkiisa wax shaqaale ah ma saarneyn sida shiikhu warkiisa ku cadeeyay isagoo xusay in dhibku intaas ka badan lahaa hadii shubka korkiisa la saarnaan lahaa.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM