Sheekh Cali Wajiis ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook wuxuu ugu  jawaabay Siyaasiga Xildhibaan C/raxmaan C/shukuur oo dhawaan ku eedeeyay inuu Dowlada u sharciyeeyay qabuura faagista.

Qoraalka Shiikh ayaa sidan u qornaa:-

Advertisement

Ma rabo inaan la tirsado Cabdiraxmaan Cabdishakuur dhowr sababood dartood:

1- Guddoomiye Cabdiraxmaan Yariisow AUN, Annagu ka culuma ahaan waxaan ku amaaneynaa inow culumadii la tashaday qaatayna Taladoodii waana sharaf iyo amaan.

2- Guddoomiye Yariisow AUN annaga asagaa na soo weydiiyay su’aasha laakin dabcan dowlad ayuu xubin ka ahaay ee wax shakhsiya ma uusan sameyneyn.

3- Mr. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame markow badda Soomaaliya saxiixayay wexey ehayd inow culumada la tashado si loogu sheego in aysan banaaneyn laakiin waa ka il duufyay mudanuhu, waxaasa ka dabategay dowladdii ka danbeysay oo madaxweyne Xasan Sheekh hoggaaminaayay oo Maxkamada caalamigaa geysay malafkii.

4- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame waxaan ugu cudurdaareynaa inuu saaxiiba la yahay sida muuqata dhinacyo badan oo mashruuca dowlad dhiska Soomaaliya iyo heshiiska taariikhigaa ee Soomaaliya iyo Turkiga dhibsanaya.

5- Ugu danbeyn waxaan mudanaha kula talinaayaa inow markaan beddelo siyaasaddii uu ku cireystay ee madhaleeska ehayd oo ah “dowlad kastaba dagaal ula taagnaaw ama u turjimneed: Cadkaanoow walee ama ku cunay ama ku ciideeyay

Mudanaha salaan qaaliya heyga gudoomo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here