Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shir guddoomiyay kulanka aan caadiga aheyn ee Guddiga Jogtadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyada kasoo cusboonaaday qeybo kamid ah dalka.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in xiligan dhiigga muwaadiniin Soomaaliyeed aano qabiil loo daadiyo isagoo ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo.

Advertisement

Sheekh Aadan Madobe ayaa tilmaamay in xiligan aan loo baahneyn dagaal dadka Soomaaliyeed dhexdooda ah, taasi bedelkeedna laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha ayaa faray hay’adaha ay quseyso in dadka walaalaha ay dirirtu u dhaxeyso nabad dhex dhigaan wixii tabasho ah ee jirana miiska wada hadalka lagu dhameeyo

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here