MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa muddo bil ah u qabatay inuu ku horyimaado eedeysane Ibraahim Maxamed Cabdulle.
Edeysanaha ayaa loo heystaa inuu Haweeneyd uu sharci daro ku uureeyay kadibna ay qaaday uur sharci-daro ah , kadibna uu kula taliyay inay ilmaha iska soo rido.
Markii ay falkaas ku dhaqaaqday ayay u dhimatay intii lagu jirey in ilmaha laga soo rido kadibna waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir ka bilaabatay dacwad ka dhan ah balse uu soo xaadiri waayay.
Marxuumada oo lagu magacaabo Muna Cali Maxamed Rabi ha u naxariistee madaama uu isaga ku kalifay falka ay sababsatay geerideeda awalna uu qalad ka galay ayay maxkamadu waxay fareysaa inuu 30 maalmin gudahood ku hor yimaado si sharcili loo marsiiyo loona ciqaabo markiisa.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM