=XIGASHO BBC SOMALI=

ehelka oo BBC la hadlay

Advertisement

Waxaa shalay magaalada Nairobi lagu aasay allaha naxariistee Cosob Cali Maxamed oo ka mid ahayd tiro dhalinyaro Soomaali iyo Ajnabi ah oo dhawaan lagu weeraray deegaanka Butere oo ka tirsan Ismaamulka Kakamega ee dalka Kenya.

Dadkan oo dhamaa siddeed ruux iyo darawalka ayaa safar u ahaa magaaalada Kampala ee dalka Uganda iyagoo saarnaa gaari nooca yar oo ka qaaday Nairobi, sida ay BBC da u sheegeen ehelada.

Qaar ka mida ehelada dadka la weeraray ayaa BBC-da u sheegay inay rumaysan yihiin in weerarka ay sabab u ahayd xiisad ka taagnayd deegaanka iyo dadka rakaabkaa oo isku beegmay.

Darawalka gaariga waday ayaa la sheegay inuu u dagay si uu u waydiiyo dadka wadada saxda ah maadaama ay habow ahaayeen, balse sida la sheegay dadka deegaanka oo ilmo yari ka maqnaa ayaa ku xoomay gaariga dadka safarka ah ay saarnaayeen sidaasna uu falku ku bilowday.

Cabdirixmaan Maxamed Yuusuf, waxaa uu ka mid ahaa rakaabkii saarnaa gaariga, wuxuu BBC-da u sheegay in ay la kulmeen weerar markii gaarigii uu ka leexday laamiga uuna istaagay meel wadada dhinaceeda ah.

“Darawalka ayaa naga tagay, anaguna waxaan ku jirnay gaariga, waxyar ka dibna waxaa nagu bilowday weerarka, dad ka mida kuwii deegaanka aan maraynay deganaa ayaa na soo weeraray, darawalka ayaa la hadlayey, soo degta ayey na dhaheen ka dibna garaaca halmar ayey nagu bilaabeen”ayuu BBc da u sheegay Cabdiraxmaan.qabriga cosoble

Wuxuu sheegay in dadku aysan wax su’aal ah waydiin balse kaliya ay la dhaceen budad, mindiyo, baangado iyo ulo.

“Aniga waxaan ka mid ahaa kuwiii geeska xigay ee usha lagu bilaabay, bud ayey madaxa iiga dhufteen ka dibna waa suuxay, laakiin waxaan qabaa dhaawac nabaro madaxa iga soo gaaray iyo gacan I jabtay waxana ku jiraa isbitaaalka.”ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Wuxuu sheegay in markii danbe ay boolisku meesha soo gaareen oo ay badbaadiyeen.

Cosob Cali Maxamed, oo ka mid ahayd rakaabka gaariga saarnaa ayaa eheladoodu noo sheegeen in ay ku dhimatay isla goobtu falku ka dhacay. Adeerkeed Mahad Muuse Axmed ayaa BBC-da u xaqijiyey sidaas.

“Waxay u dhimatay dhaawac baangad madaxa lagu kala baray markii danbana kuwa weerarka ku qadaay waxay ku tuureen gaariga oo gubanayey waxaana ay ka gubatay qaybta danbe ee jirkeeda” ayuu yiri adeerkeed Mahad.

Cosob, ayaa horrey ardayad ugu ahayd dalka Uganda basle safarkeedan ayaa ahaa mid ay ugu socotay Kampala dhoof dibada ah sida uu BBC-da u sheegay adeerkeed Mahad.

Dadka deegaanka ayaa isla jimcihii toddobaadkii hore oo ay dhacday dhacdadasi waxay baraha bulshada ku faafiyeen muuqaalo argagax leh oo muujinaya dadka oo la garaacyo iyo qaarkood oo ay dhaawacyo darani ka muuqdaaan.ehelka gabadha

Mahad Muuse, wuxuu sheegay in iyagu ayba dhacdada ku ogaadeen muuqaaladaas baraha bulshada lagu faafiyey oo ay ka dhex arkeen gabadhooda.

Sida uu BBC-da u sheegay Mahad, dowladda Kenya ayaa qaqabatay dadkii dhibka gaystay.

“Waxaa naloo sheegay in dowladdu dadkaas qaqabatay ka dib markii ay benowday inay dadkaasi ahaayeen kuwo ilmaha ka xaday deegaanka” ayuu yiri Mahad.

Isbitaal ku yaalla magaalada Bungoma, ayaa lagu dabiibayaa dhaawacyada kale ee weerarkaas ku waxyeeloobay.

Ilaa hadda ma jirto war rasmi ah oo ka soo baxay booliska Kenya oo ay kaga hadleen dhacdadaas.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here