Madaxweynahii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa boggaadiyay howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish ee ciidamada Daraawiishta dowlad goboleedka Puntland ka wadaan buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay  howlgalka ka socda buuraha Calmiskaad inuu yahay mid xoojinaya halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed ugu jiraan sidii ay isaga xureyn lahayeen kooxaha loogu yeero argagixisada.

Advertisement

“Waxaan boggaadinayaa howlgalka Ciidamada daraawiishta Puntland ee ka dhan ah kooxda Daacish waana tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee shacabka Soomaaliyeed isaga difaacayaan argagixisada duullaanka ah islamarkaana gumaadka ku haya dadkeenna. Ficillada kooxaha argagixisada ah waxay ka soo horjeedaan shareecadda islaamka, hab-nololeedka bulshada Soomaaliyeed, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan ammaanka gobolka” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Raysal wasaarahii hore ee dalka Xassan Cali Kheyre ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku bogaadiyey guusha ciidamada Puntland ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

“Waxaan mar kale shacabka, ciidamada, iyo dowladda Puntland ku bogaadinayaa libinta iyo guulaha ay ka soo hooyeen hawlgalka lagu ciribtirayo argagaxisada ku dhumaaleysanaysa buuralayda Calmiskaad ee Gobolka Bari. Waxaan qoysaskooda, qaraabadooda, iyo qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa halyeeyadii ku shahiiday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland iyaga oo gudanaya waajib diini iyo damiiri ah” ayuu yiri Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Xasan Cali Kheyre ayaa shacabka Puntland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed iyo  dowladda Fedaraalka ugu baaqay inay hiil iyo hoo la garab istaagaan ciidamada Puntland oo naftoodana u huraya difaaca dalka.

“Waxaan ku baaqaya in loo midoobo ciribtirka khawaarijta arxanka daran ee khatarta ku ah horumarka dalka, dadka, Diinta iyo dowladnimada Soomaaliyeed” ayuu yiri Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre.

Boggaadinta madaxdii hore ayaa kusoo aadaysa, iyadoo ciidamada difaaca Puntland dagaalo culus kula jiraan kooxda Daacish oo xarumo waa weyn ku leh dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari, halkaas oo maalmahii lasoo dhaafay lagu dilay xubno badan oo ka tirsan Daacish oo u badan Ajaaniib.

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here